Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Madaxtooyadda Puntland oo tababar loosoo xiray (Sawirro)

Waxaa Dugsigga Xorgoble ee Qardho, tababar loogu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Madaxtooyadda Puntland, kuwaas oo mudo ku jiray dugsigaas iyagga oo marayay hanaanka dib-u-habaynta Ciidamadda ee Dawladda Puntland ay waddo.

Munaasabadii ciidamadaa tababarka loogu soo xiray waxaa ka qayb-gallay Wasiir ku xigeenka Amnigga Puntland, Taliye ku xigeenka Ciidamadda Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyooyinka Puntland, Maamulka gobolka karkaar, Kan Degmadda Qardho, Taliska Qaybta Booliska Gobolka karkaar, Taliska dugsigga, Maamulaha Madaxtooyadda Qardho iyo masuuliyiin dawladeed oo kalle ayaa goob-joog ka ahaa.