Dil caawa ka dhacay Gaalkacyo, Maamulka Gobalka oo la la’ yahay

Fiidkii caawa waxaa lagu toogtay Gaalkacyo agagaarka Iskuulka Cumar Samatar Askari Boolis ah,kaasoo dhaawac Madaxa ah soo gaaray.

Saacadii Shilku dhacay ilaa iyo hada majiro masuul aan ka ahayn Talye Muumin oo soo gaaray goobta wax ka dhaceen,isla markaana hawlgalay.

Gudoomiyihii Gobolka Taleefonkiisu waa dansan yahay lamana hayo meel uu jiro.

Duqii Magaalada Taleefonkiisu waa dansan yahay lamana hayo meel uu ku maqan yahay.

Xisaabiyihii Gobolka waa la mid oo lama hayo isagana.

Dhamaan masuuliyiintii muhiimka ahayd waxaa laga hayaa Muumin Talyaha Qaybta Booliska Mudug.

Muumin ilaa xiligan waxuu dhex taagan yahay Magaalada oo uu kawado shaqo culus iyo hawlgalo.

Jibril Qoobey.