Kulan u furmay Dowladaha Hoose iyo Guddiga Qandaraasyadda Puntland (Sawirro)

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa si rasmiya u daah-furay Madasha wada hadalka masuuliyiinta Dowladda Hoose, iyo Guddiga Qandaraasyadda Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa sidii looga wada hadli wixii hormar laga gaaray iyo caqabadaha ay la kulmeen Guddiga Qandaraayadda iyo Dowladda Hoose.

Kulanka Madasha wada hadalka masuuliyiinta Dowladda Hoose, iyo Guddiga Qandaraasyadda Puntland waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Madaxda Guddiga Qandaraaslayaasha Puntland.