Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland ?

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 6-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha Wakiilladd ku leh xaruntooda Garoowe. Ajandaha kulanka maanta ayaa ah Dhageysiga Warbixinada 6 kamid ah Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland, kuwaas oo kala ah;

1: Guddiga Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga. 2: Guddiga Amniga iyo Nabad-gelyada. 3: Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah. 4: Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. 5: Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka. & 6: Guddiga Dhowrista Deegaanka iyo Kheyraadka dabiiciga ah.