Sheekh Shariif oo gaaray Magaalada Jowhar (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa goor-dhaweyd ka degay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle, halkaas oo ay ka socoto doorashadii labaad ee Hoggaanka Maamulkaas.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo la yeelanaya Masuuliyiinta gacanta ku heysa dhismaha Hirshabelle cusub, gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulka Cali Guudlaawe, oo haatan kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha, oo ay isku beel yihiin.