Ciidanka PSF-ta Puntland oo soo baneeyay furimaha dagaalka

7-Gaari oo Tiknika ah oo ay wataan Ciidan PSF ah,ayaa soo gadooday waxayna kasoo baxeen fadhigoodii Buuraha Galgala.

Ciidanka soo gadooday waxay soo gaareen oo degeen Magaalada Qardho.

Ciidanka waxay ka cabanayaan Lacag laga jaray oo 50$ ah iyo Cunto xumo.

PSF waa Ciidanka ugu tababarka,Qalabka iyo Mushahaarka fiican guud ahaan Ciidamada Puntland in uu dayac iyo gadood ka yimaadana waxay muujinaysaa hogaan xumada haysata.

Ciidanka PSF dhaqaalo yari haysataa majirto waxaana la ii xaqiijiyay in Sanadkan oo dhan dhaqaalihii lagu dabari lahaa gacanta loogu hayo.

Waxaa la filayaa in maalinka beri ah uu soo gaaro Qardho Talyaha Ciidankaas.

Jibril Qoobey.