Ciidanka Puntland oo howlgallo ka fuliyay Gobalka Sanaag

Wararka ka imaanaya Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Ciidammada Difaaca Dowladda Puntland ee Darawiish-ta ay gaareen Deegaanka Guryo-same ee Degmada Laas-qoray, halkaas oo dhowaan lagu arkay Maleeshiyaadka katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ciidammada ayaa Deegaanka iyo dhulka ku hareeraysan ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, iyagoona sidoo kale kulamo la yeeshay Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Deegaanka Guryo-same ee Degmada Laas-qoray ee Gobalka Sanaag, oo ah deegaan istiraaji ah ayaa maalmo kahor lagu arkay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana Ciidanka Dowladda Puntland ku guuleysteen inay xaqiijiyaan Amniga deegaanka.