Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xaruntooda Garoowe ku yeeshay kulankoodii 7-aad ee Kal-fadhiga ee Golaha, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka maanta ayaa Ajandihiisu ahaa dhameystirka soo-jeedinta Warbixinadda Guddiyadda, kuwaas oo kala ahaa;

1. Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. 2. Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka. 3. Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda. 4. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Haweenka. 5. Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Dhammaan Guddiyadda Golaha waxay dhameystireen soo-jeedinta Warbixinada waxaana shalay iyo maanta la dhageystay Tobanka guddi ee Golaha.