Tababar ku saabsan Xaquuqul Insaanka oo lagu qabtay Garoowe (VIDEO)

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay tababar ku saabsan xaquuqul Insaanka iyadoona ay ka soo qayb-galeen Wasaaraddaha kale ee wada shaqeyn ta la leh Wasaaradda haweenka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Maxamed Abdurizak Nuux oo faah-faahiyey u jeedka tababarka ayaa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha inay si fiican uga faaidaystaan tababarka.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=3528889447191809&id=1347891271958315

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka Luul Jama Nuur oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay muhiimadda kulanka iyo in loo baahan yahay in laga dhabeeyo arrimaha xaquuqul Insaanka ee bulshadda Puntland.