Xildhibaan Cali Dhahar “Khidmada cadeynta COVID-19 ee Puntland oo qaali”

Xildhibaan Cali Dhahar, oo maanta Warbixinta Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland la wadaagayay ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Puntland in aysan tartan galin Shirkadda keenta agabka lagu baaro dadka dhoofaya ee Covid-19.

“Shirkadda keenta agabka lagu baaro dadka dhoofaya ee Covid-19 laga baaro, tartan maysan galin, waana ku takrifal awoodeed” ayuu yiri Xildhibaan Cali Dhahar.