Axmed Karaash oo ka hadlay geerida AUN Siciido Maxamed Daahir

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa uga tacsiyeeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Xaaskiisa Siciido Maxamed Daahir Jaamac oo ku geeriyootey Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuumad Siciido Maxamed Daahir inuu dembigeeda dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygeedana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, awladdeedii, qoyskeedii, ehelkeedii qaraabadeedii, gaar ahaan Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse.