DEG-DEG: Ciidanka PSF-ta Puntland oo soo baneeyay jiido dagaal oo muhiim ah

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa soo baneeyay Saldhigyadoodii aagaga dagaalka, iyagoona goor-dhaweyd isaga soo baxay Aaga Togga Sugare, oo ay ku lahaayeen saldhig weyn oo laga fuliyo howlgalada.

Ciidammada ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo baneeyay Saldhigyadoodii Galgala iyo Boosaaso, iyagoona kusoo xarooday magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Ciidammada oo ka gadoodsan Lacag gaaraysa $50 dollar oo laga jaray mushaarkooda iyo sahay la,aan soo foodsaartay ayaa diiday inay la kulmaan Taliyaha Guud ee Ciidanka PSF-ta Puntland, iyagoona ku adkeysanaya in cida kaliya ee ay kala hadlayaan Xuquuqda ka maqan uu yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.