Gaalkacyo: Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Shabakaddo Al-Shabaab ah

Ciidammada Amniga Gobalka Mudug ayaa howlgallo ay ka fuliyeen qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, kusoo qabtay Shabakaddo katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo geystay dilal ka dhacay Gaalkacyo.

Ciidammada howlgalka fulinayay oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Madaxweyne, ayaa ay u suuragashay inay gacanta ku dhigeen Shabakadahan xilli ay qorsheynayeen weeraro ay ka fuliyaan Magaalada Gaalkacyo.