Guddiga doorashooyinka Puntland oo Xafiisk ka furtay Eyl (Sawirro)

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC Jaamac Xirsi Farax iyo xubno la socdo ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska guddiga ee degmada Eyl.

Xafladda xariga jarka waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka degmada Faysal Khaliif Wacays iyo xubno ka socda ururada xarumaha ku leh Degmada Eyl.

Xubnaha Guddiga ee Eyl ku sugan ayaa sidoo kale maanta imtixaan ka qaaday dadkii ku guulaystay inay ka mid noqdaan liiska gaaban (Short list) ee u tartamayay Gudoomiyaha xafiiska Guddiga doorashooyinka ee Degmada Eyl.