Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka qeyb-galay Aaska AUN Siciido Maxamed-Daahir (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Isimo iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dawladda ayaa ka qayb-galay Aaska marxuumad Siciido Maxamed-Daahir oo ahayd Xaaska Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku geeriyootay Magaalada Garoowe.