Guddoomiye Sanyare iyo Isimo kormeeray dhismaha Wadada Gaalkacyo – Bursaalax (VIDEO)

Gudoomiyaha gobalka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur, Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig, Suldaan Maxamed Jaamac Juunle, Iimaan Cabdiwahaab ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo, Galdogob iyo Bursaalax.

Dhismaha wadadaan oo muhiim ah ayaa laga bilaabay galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxaana ganacsata iyo qurba joogta loo soo jeediyay iney ka qayb qaataan maadaama lagu dhisayo “Isku Tashi” oo ay iska kaashanayaan Dowladda iyo Shacabka.