Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo dood adag yeeshay (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada ku yeeshay xaruntooda Garoowe, waxaana kulankan shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibriil.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, kaas oo ay mudanayaashu akhrintii dastuuriga ahayd ay kusoo sameeyeen Kalfadhigii 46-aad.

Ka dib soo jeedinta Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaannadda ayaa la illa berri ka doodi doona dhameystirka xeerka oo muhiimad weyn u leh dalka Puntland.