Abiy Ahmed oo amray inay dib ugu soo laabtaan Ciidammada 3 Janan oo hore

Xaalada dalka Itoobiya ayaa kasii daraysa, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaana amray in shaqada Ciidanka ay dib ugu soo laabtay Sadax janan oo horay ciidanka looga fariisiiyey.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in Jananadan din loogu yeeray ay ka qeyb qaadan doonaan wax uu ugu yeeray ‘Howlgalka xaqiijinta Midnimada dalka’, kaas oo ah dagaalka ka socda Ismaamulka Tigreega ee u dhexeeya Ciidammada Tigreega iyo kuwa Dowladda Federaalka Itoobiya.

Jananada uu u yeeray Abiy oo lagu baahiyay magacyadooda baraha Dowladda, ayaa waxa ay kala yihiin.

  1. L / General Bacha Debele
  2. L / General Yohannes G / Meskel
  3. L / General Abaw Tadesse