Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Hirshabelle oo la doortay (VIDEO)

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabelle ayaa maanta doortay Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas, kaddib doorasho goor-dhaweyd soo idlaatay oo ka dhacday Magaalada Jowhar.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Hirshabelle u doortay, Cabdixakiin Luqmaan Maxamed, halka ay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ay u doorteen Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ay u doorteen Mahad Xasan Cusmaan.