Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabanaya Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto deegaanada Puntland, kaddib safar qaatay muddo oo ugu maqnaa Dibedda.

Madaxweyne Deni ayaa safarkiisa ku tagay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka carabta, isagoona kulamo la yeeshay Masuuliyiin katirsan dalalkaas, oo kala hadlayay xoojinta xariira iyo Wadashaqaynta Puntland iyo Labada wadan.

Wararka ayaa sheegaya inuu Madaxweyne ka degi doono Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo loogu gogal xaarayo doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka BJFS oo ka dhacaya magaaladaas. Halka wararka qaarna ay sheegayaa inuu Madaxweynuhu kusoo hormari doono Magaalada Garoowe oo safar dhulka ah uga sii amba bixi doono.