Xaalada Itoobiya oo kacsan & dagaal ka bilowday Gobalada Tigreega

Xaaladda Itoobiya oo cirka isku sii shareertay iyadoo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya  uu caawa amar ku siiyay ciidammadiisa qaranka  inay weerar ku qaadaan ciidammada gobolka Tigreega.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidammada TPLF ay weerar kusoo qaadeen Saldhigyo Ciidammada Dowladda Federaalka ay ku lee yihiin Deegaanada Ismaamulka Tigreega, isagoona intaas ku daray inuu ka dhamaaday dulqaadkii.

Dhanka kale, Waxaa dhamaan Hawada laga saaray Isgaarsiinta iyo Internet-kii Deegaanada Ismaamulka Tigreega, dhawaqa rasaasta ayaana laga maqlaya Magaalooyinka waa weyn ee Ismaamulkaas, oo ay kamid tahay Caasimadda Mekelle.