Masuul katirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Koox hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug AUN Marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Kooxda dilka geysatay ayaa toogasho ku dilay Marxuumka oo tirsanaa waaxda dhulka ee Dowladda Hoose ee Gaalkacyo. iyagoona intaas kaddib ka baxsaday goobta dilku uu ka dhacay.

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland oo goobta gaarey ayaa ku guuldareystay qabashada kooxdan, waxaana haatan socda howlgallo la doonayo in lagu soo qabtay kooxda dilka geysatay.

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilkan, sida lagu baahiyay Warbaahinta taageerta kooxdan.