Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe & Safiirada Beesha Caalamka ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan dhanka fogaan araga ah la yeeshay Wakiillo ka socda qaar ka mid ah wadamada Beesha Caalamka, gaar ahaan Wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub, iyo IGAD.

Kulanka oo qabsoomay horaantii todobaadkan ayaa looga hadlayay xaalada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoona si gaar ah diirada loogu saaray Doorashada Soomaaliya ee 2020-2021.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jubbaland ku dhiirri geliyey sii wadista wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda Dhexe, horumarka laga gaarey u diyaargarowga doorashooyinka, oo ay ka mid yihiin dadaallada amniga doorashada ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo, in ay Jubaland gaarto dib u heshiisiin waarta.