Micheal “”Riiyadii ahayd in la dumiyo Tigray waa burburtay”

Madaxweynaha Deegaanka Tigrayga Michael Debretsion oo maanta saxaafadda maamulkiisa la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub badan oo casri ah kaasi oo gacanta ugu jiray Militeriga Ethiopia, isagoo intaasi ku daray in hadda ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan weerar kaga yimaada Ciidanka Dowladda Federaalka Itoobiya.

“Riiyadii ahayd in la dumiyo Tigray waa burburtay, Waxaan diyaar u nahay inaan wax kasta u hurno kaalintayada, hadda si buuxda ayaanu u qalabaysanahay, Waxaan ku ilaalin doonnaa Tigreega hubkaas”.

Madaxweynaha deegaanka Tigraay ayaa intaas ku daray “Taliska Woqooyi wuxuu kasoo jeedaa dhinaca dadka Tigray, markaa waxaan uga guuleysan doonnaa xaaladda si guul leh”