Puntland oo dib-u-dhis ku sameynaysa Wadada Garoowe – Laascaanood (VIDEO)

Wafti uu hoggaamiyo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), Senator Cabdirasaaq Jurile, Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiillada Puntland iyo Injineero ka socda Dowladda Talyaaniga ayaa maanta kormeer lagu qiimeynaayo waxyeeladi ay geysteen roobabki kala danbeeyey ee ka da’ay Puntland ku tagay Wadada isku xirta Garoowe illaa God-qaboobe.

Ujeedada Kormeerkan ayaa ah daraasad lagu sameynayo sidii wax looga qaban lahaa meelaha burburku kasoo gaaray Wadada oo muhiim u ah isku socod Gaadiidka deegaanada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.