QoorQoor iyo Laftagareen oo u duulay Turkiga

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan (Laftagareen) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa u amba-baxay Dalka Turkiga, iyagoona hal diyaarad ka wada raacay Magaalada Muqdisho.

Ujeedada socdaalka Labada Madaxweyne ayaan la ogeyn waxa uu la xariiro, wararka ayaana sheegaya inay Turkiga kula kulmi doonaan xubno katirsan Sirdoonka dalka Qatar.