TPEC oo imtixaan ka qaaday dad u tartamaya Guddoomiyaha Xafiiska Qardo (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Jaamac xirsi Faarax, ayaa safar shaqo ku tagay Degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Xubnaha Guddiga TPEC oo uu weheliyo Duqa degmada Qardho C/ Siciid Cismaan ayaa imtixaan ka qaaday dadkii ku guulaystay inay ka mid noqdaan liiska gaaban (Short list) ee u tartamayay Gudoomiyaha xafiiska Guddiga doorashooyinka ee gobolka Karkaar.Sidoo kale Mudada wafdigu joogaan Qardho waxay furi doonaan Xarunta Guddiga ee gobolka Karkaar.