Baarlamaanka Puntland oo fasax la galiyay

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa la fasaxay muddo 3 Mahmood ah oo ka bilaabatay Khamiistii, si ay u soo akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland, kaas oo mudanayaasha loo qeybiyay Arbacadii.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ku wargaliyay mudanayaasha inay heystaan fasax 3 maalmood ah ayna dib isugu laabanayaan maalinimada Isniinta ah, isagoona kula dardaarmay inay si wanaagsan u soo akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa la filayaa in marka ay dib isugu soo laabtaan Isniinta ay bilaabaan ka doodista Xeerkan oo muddo horyaalay Golaha, kaas oo muhiim u ah Hanaanka Dowladdu ku hagayso Isgaarsiinta ka howlgalla deegaanada Puntland.