Daahir M. Geelle “Lama aqbali karo xubnaha Guddiga doorashooyinka Farmaajo”

Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021, ayaa ka horyimid Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, kuwaas oo u badan dhalinyaro aan u laheyn khibrad Doorashooyinka, kana shaqeynayay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda NISA.

Daahir Geelle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Markaan arkay magacyada guddiga doorashada qaranka ee ay dhowaan dawladdu magacowday, dibna u milicsaday hawlihii ay qaban jireen iyo kuwa ay hadda hayaan, waxaan u arkaa inay yihiin guddiga ololaha Madaxweyne Farmaajo, ee aysan ahayn, noqonna karina guddi doorasho oo heer qaran ah, arrintaasina wax la aqbali karo ma ahan.”