Gen. Berhanu “Soomaali iyo Amxaaro ayaa dagaalka ku jirta”

Taliyaha Ciidamada Dalka Ethiopia General Berhanu ayaa beeniyay Hadal uu sheegay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumud Cumar Cagjar, kaas oo ahaa in aan Ciidamada Deegaanka ee Liyuu Booliska Dagaalka udhaxeya Xukuumada Abiye ahmed iyo Qoomiyada Tigraga aysan ka qayb qadan doonin,

Gen. Berhanu ayaa sheegay in Ciidamo ka socda Somalida iyo Mamulka Axmaarada Dagaalka qayb ka yihin.

Waxay tani shaaca ka qaadaysa warar la isla dhexmarayay malmahan oo sheegayay in Ciidamada Liyuy Booliska ay furimaha dagaalka la gaynayo ayna ahayd ujeedadi Ahmed Shide iyo Afhayeenka Baarlamaanka Ethiopia Aadan Farah Jigjiiga u yimaaden. balse ay Xukuumadda Mustafe Beenisay