Madasha Xisbiyadda Qaran oo ka hor-timid Guddiga doorashooyinka (Akhriso)

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa cambaareysay Guddiyada doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal inay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hey’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, taasoo baalmarsan shuruucda dalka u yaalla, heshiiska doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka, taasoo dhaawaceysa kalsoonida lagu qabi karo hannaan doorasho xor iyo xalaal ah inay dalka ka dhacdo.

Madasha ayaa sheegtay inay ka sii afeefaneyso in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka Federaalka.