Puntland oo kordhinaysa dugsi Waxbarashada ee deegaanka Yibaayil (Sawirro)

Kusimaha Wasiirka Waxbarashada, ahna Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Bashiir Jaamac Maxamed iyo Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Nugaal, C/samad Shiikh Xaamid (Dhallo), ayaa dhagax dhigay dugsiga hoose/dhexe ee Yibaayil ee hoostaga degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Dhagax-dhiggan oo ahaa fasallo-kordhinta dugsiga Yibaayil, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin isugu jira heer deegaan, maamulka dugsiga, dadwaynaha magaalada Yabaayil iyo bulshada kale ee ku dhaqan degmada.

Dugsigan oo ka kooban hal dhisme oo ciriiri ku ah ardayda wax ka barta degaanka, ayaa waxaa wadajir u dhagax-dhigay Wasiir-ku-xigeenka iyo Gudsooomiyaha Waxbarashada gobolka Nugaal.

Dugsiga hoose/dhexe oo ay baahi wayn u qabaan shacabka magaaladaasi, ayaa waxgaradka iyo shacabka magaalada Yibaayil ay si wayn u soo dhaweeyeen dhagax-dhiggaas.
Yibaayil ayaa u jirta magaalada Garowe 120 km. Yibaayil ayaa leh dhul-beered iyo daaqsin wanaagsan.