Qalab casri ah oo lagu wareejiyay dugsiga sare ee Bander-bayla (Sawirro)

Guddiga Waxbarashada Jaaliyada Dibedda ee kasoo jeeda degmada Bayla ee Gobalka Karkaar, ayaa ku wareejiyey agab waxbarasho oo Kumbuyuutarro ah maamulka waxbarashada degmada Bander-bayla.

Guddoomiyaha waxbarashada Bayla, Yuusuf Maxamed Waabari, ayaa isagu ku wareejiyey qalabka kumbuyuutarrada ah maamulaha dugsiga sare ee Bander-bayla.

“Qalabkani waa alaabtii ugu casrisanayd oo la inoogaga baahan yahay inaad ilaashataan, iskana ilaalisaan wixii cillad ku keenaya” ayuu yiri Maxamed Axmed Diini oo matalayay Guddiga Jaaliyadda Dibedda Degmada Bandar Bayla.

Guddoomiya Waxbarashada degmada Bayla iyo maamulka dugsiga sare ee degmad Bayla oo iyaguna munaasabada ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Jaaliyadda Bander-bayla oo gacan siiyay qalabka waxbarasho ee ay ugu deeqeen qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla magaalada Bayla.