VIDEO: Maxaa kala socotaa dagaalka 4 maalmood ka socda Dalka Itoobiya ?

Dagaalku wuxuu galay maalintiisii 4aad , dagaalka xoogiisuna wuxuu ka dhacayaa xuduudka Amhara iyo Tigrey halkaas oo si aan caadi ahayn dagaalku ugu socdo , waxa kale oo dagaaladdu ka socdaan dhinaca Canfarta iyo Tigrey mase aha dagaaladda jiidaas ka socdaa kuwo la midda dhinaca xuduudka Amxaaradda iyo Tigreyga .

Wararka ayaa sheegaya in uusan jirin horumar dagaalku samaynayaa, waxaanu dagaalku weli ka socdaa goobihii uu ka bilaabmay. Labadda dhinac ayaa isticmaaalaya hub casri ah oo ay ka mid yihiin gantaalaha BM noocyadooda kala duwan , Taangiyadda casriga ah ee dagaalka , Madaafiic iyo gantaalo kala duwan.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158803571826878&id=742346877

Tirada dhimashada ayaa xad dhaaf ah, waxaana goobaha dagaalka si xun u daadsan askarta le’ atay. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aanu la hadlaynin dambiilayaasha dagaalka.

Dhinaca kale , Madaxwaynaha Tigreegga oo isna warsaxaafadeed soo saaray wuxuu sheegey in talaabo kasta oo laggu soo qaado ay kagga jawaabayaan laban laab , hadii diyaaraddo loo adeegsadana ay diyaaraddo haystaan , isla markaana ay garaaci doonaan diyaaradaha iyo goobaha ay kasoo kacayaanba.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158800676826878&id=742346877

Beesha Caalamka ayaa walaac wayn ka muujiaya dagaalka , Xoghayaha guud ee Qaramadda midoobay , madaxa qaramadda midoobay u qaabilsan xuquuqda Aadamaha iyo wasiirka arrimaha dabadda ee Jarmalka ayaana soo saaray baaqyo ay ku dalbanayaan in dagaalka degdeg loo joojiyo , hassa yeeshee waxay u muuqataa in aan baaqyadaasi joojin karaynin dagaalka , dagaalkuna wuxuu u muuqdaa mid ka khasaare badanaya dagaalkii Itoobiya iyo Ereteriya , hubka la isu adeegsanayo iyo goobaha laggu dagaalamayo oo buuralay ah awgood .