Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo daah-furtay Barnaamijka casriga ah ee SOMSAD (Sawirro)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa daah-furtay nimaad cusub oo ganacsatadda wax dhoofisa ama la soo dagta ku cadaynayso badeecadooda oo loo yaqaan SOMSAD (Somali administration Document).

Adeegaan oo ah mid iswadda oo ganacsaduhu si madax banan ugu soo cadaysanyo badeecadiisa qaab online, taasoo meesha ka saaraysa dukimitigii gacanta lagu qori jiray ee loo isticmaali jiray cadaynta badeecaddaha.

Munaasabadda daah-furka adeega cusub ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Md Maxamed Majiino, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheenta Md Cabdiraxman Caydiid Ibrahim, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Md Abshir Mohamed Abshir , Maamulaha Furdadda Bosaso, Taliyaha Ilaalada cashuuraha ee Dekadda iyo masuuliin kale oo ka socday Wasaradda Maaliyadda iyo xubno ka socday CRATES oo qaabilsan dib u habaynta furdooyinka Somalia.

Sidoo kale, Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay ganacsatada ugu waawayn , kuwa dhaxe iyo kuwa yaryar ee Puntland kuwaasoo lugu barayay hanaanka cusub ee Furdadda ee caalamiga ah (SOMSAD).

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Majiino, oo daah-furka la hadlay ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay nidaamaka cusub kasoo fududeen doona nidaamka shaqada iyo ilaalinta waqtiga , sidoo kale wuxuu ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay la qabsadaan hormarkaan socda.

Wasiirka Qorsheenta ayaa sheegay; in Wasaaradda Qorsheenta ay muhiimad u leedahay helista macluumaadka badeecadaha soo daga dalka si loo diyaariyo xogta badeecadaha oo laga sameeyo consumer price Index (CPI) danbisha qiimaha badeecadda.

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa sheegay in ganacsatada looga bahan yahay in ay u hogaan samaan hanaanka furdooyinka Puntland ee cusub kaasoo ah nidaam heer caalami ah, Agaasimaha ayaa ka codsaday in ay ganacsatadu arrintaan kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa adeegga Wasaarada Maaliyadda u haysto ganacsatada.