Xafiiska Caafimaadka Gobolka Nugaal oo dib loo furay (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa waxa uu kala wareegay shirkada Kulmiye xafiiska caafimaadka gobolka Nugaal oo Dayactir iyo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay.

Xaruntaan ayaa lagu soo kordhiyay hool weyn oo lagu keydin doono dawada gobolka iyo qaybta qashinka lagu gubo, iyo qaybo kale, waxaa kaloo dayactir lagu sameeyay qaybaha kale ee xafiiska.

Mashruucaan oo ay dhaqaalaha bixisay dawlada jarmalka ayna soo marisay hay’adda UNICEF ayaa qayb ka ah mashruuc loogu talagalay dayactir 12 xarunta hooyada iyo dhalaanka ah iyo 4 Cisbitaal iyo labo xafiisyada caafimaadka Gobolada Nugaal iyo Mudug. Taas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo laguna horumariyo adeega caafimaadkaga goboladaas.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dawladda Jarmalka ee dhaqaalaha bixisay Hay’adda UNICEF iyo shirkada dhismaha samaysay sida quruxda badan ee ay u sameeyen waxaana uu xusay in dhismahan uu qayb ka yahay dhismayaalIyo dayactir lagu samaynayo xarumaha gobolada Nugaal iyo Mudug iyo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee goboladaas ku yaala.