Xafiiska Guddiga TPEC ee Karkaar oo xariga laga jaray (VIDEO)

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC Jaamac Xirsi Farax, iyo Gudoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa si wada jira xariga uga jaray xafiiska Guddiga doorashooyinka ee gobolka Karkaar.

Munaasabadan lagu daah-furaayay xafiiska cusub ee Guddiga kumeel gaadka ah ee doorashoyinka Puntland (TPEC) ee magaalada Qardho waxaa ka Qayb-gallay Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan, Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga kumeer gaarka ah ee doorashoyinka Puntland, iyo madaxda ururada siyaasada Puntland ee Gobolka Karkaar.