Xisbiga Wadajir oo walaac ka muujiyay Guddiga doorashooyinka DFs (Akhriso)

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdirahman Cabdishakuur Warsame, ayaa walaac iyo kalsooni darro ka muujiyay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed ee la magacaabay, kuwaas oo u badan Shaqaalaha Dowladda, sida Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Shaqaalaha Hay’adda NISA.