C/Karim Guuleed oo walaac ka muujiyay Guddiga Doorashooyinka DFS (Akhriso)

Xisbiga SAHAN ee uu hoggaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si gaar ah u soo saaray war saxaafadeed uga hadlayo Guddiyada doorasho ee dhowaan la magacaabay.

“Xisbiga Sahan wuxuu ka walaacsan yahay Guddiyadda doorasho ee la magacaabay, kuwaasoo ula muuqda kuwo aan dhex dhexaad ka noqon karin daadihinta doorashada iyo hufnaanteeda, waxay tani bannaanka soo dhigtay in Madaxweynaha talada haya u raadinayo doorasho aan sugneyn oo baalmarsan xeerarka dalka”.