DEG-DEG: Abiy Ahmed oo sameeyay isku-shaandeyn deg deg ah

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa sameeyay maanta isku shaandheyn ku wajahan Xukuumaddiisa, xilli uu socdo dagaal culus oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Tigreega.

  1. Demeke Mokenen, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Dalka, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia, Kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada.
  2. Burhanu Jula, Madaxii Howlgalinta Ciidamada Qalabka Sidda ayaa loo Magacaabay, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sidda.
  3. Tamasgen Tirahun, Madaxweynihii Deegaanka Amxaarada ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Haayada Sirdoonka Qaranka (NASS)