Dhabancad oo guddoomiyey kulan looga hadlayay dhismaha Maamulka Isku-shuban (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari, kaas oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray sidii Maamul loogu sameeyn lahaa Dagmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, in xal cad laga gaaro Xaalufka dhirta, Iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira Dagmada. Masuuliyiinta Dowladda iyo Waxgaradka kulanka joogay ayaana go’aan mideysan ka gaaray arrimahan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari, Isimo, Nabaddoono, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.