Guddoomiye Faahiye oo la kulmay Isu-duwayaasha Wasaaradaha Puntland ee Karkaar (Sawirro)

Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye ayaa shir-guddomiyey shirka isuduwayaasha wasaaradaha Puntland ee Gobolka Karkaar.

Shirka isuduwayaasha wasaaradaha Puntland ee Gobolka karkaar ayaa manta ka qabsoomay xaruunta maamulka Gobolka Karkaar, waxaana kasoo qayb-gallay Guddomiyaha Gobolka Karkaar mudane Siciid Maxamed Faahiye, Guddomiye Ku-xigeenka koowad ee Gobolka Cabdicasiis Yuusuf Caamir, Guddomiye ku-xigeenka Labaad ee Gobolka Warsame Macallin Cabdi iyo qaar ka mid ah isuduwayaasha wasaaradaha Puntland ee Gobolka Karkaar.

Shirkaan oo bishiiba hal mar la qabto ayaa layskaga xog-wareysaa xaalada guud ee Gobolka Karkaar iyo mashaaricda hormarineed ee wasaaradahu ka wadaan degmooyinka Gobolka.