Joe Biden oo sheegay inuu soo celinayo saameyntii Mareykanka (VIDEO)

Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in la joogo “waqtigii la bogsiin lahaa” America, khudbaddiisii ugu horraysay ee madaxwaynaha la doortay, wuxuu ballanqaaday “inuusan kala qaybin dalka laakiin uu midayn” doono.

“Midba ka kale fursad aynu siino,” ayuu yidhi Mr Biden, isaga oo la hadlaya dadkii ka codeeyay ee ka soo horjeeday.

Mr Biden ayaa ka adkaaday madaxweynaha xilka haya ee Donald Trump ka dib markii la tiriyey codadkii la dhiibtay doorashadii Talaadadii.

Mr Trump weli qirasho ma uusan samaynin, kamana uu hadal meel fagaare ah tan iyo markii guuldarradiisa lagu dhawaaqay intii uu ciyaarayay golfka.

Natiijada ayaa ka dhigaysa Mr Trump inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee hal mar ah tan iyo 1990-yadii. Kooxdiisa alolaha ayaa geeyay dacwado aad u tiro badan gobolada kala duwan laakiin saraakiisha doorashada ayaa sheegaya in aysan jirin cadeyn muujineysa in codadka lagu shubtay.