Madaxweyne Deni oo soo gaba-gabeeyay socdaalkiisii Dibedda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu berri ku soo laabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib socdaal qaatay in ka badan 10 cisho oo uu deegaanada Puntland uga maqnaa.

Madaxweyne Deni oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta ayaa la sheegay inuu soo idlaaday socdaalkiisa, isagoona caawa ku hoyan doona Magaalada Addis Ababa.

Dib u soo laabashada Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa imaanaya xilli mowjado kacsan ay maalmahan ka jireen Puntland, kuwaas oo ay kamid yihiin Mooshin ka dhan ah Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland iyo Ciidammada PSF-ta Puntland oo soo baneeyay jiidaha dagaalka.