Mahdi M. Guuleed oo weerar afka ah ku qaaday Guddoomiyaha Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay Cabashada & dhaliisha ka imaaneysa Xisbiyada Mucaaradka, Gudoomiyaha Aqalka & qaybaha kala duwan ee Bulshada taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha Guddiga doorashada 20/21 ee Xukuumadda & Dowlad Goboleedyada.

Guuleed ayaa sheegay in heerar kala duwan loosoo maray dharaandhirinta Doorashada dalka oo ugu dambeyn lagu heshiisay mid dadban balse la kordhiyay Ergada dooraneysa kursiga Xildhibaanka oo la gaarsiiyay 101-Ergo.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158805488731878&id=742346877

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Xukuumadda ay magacawdo guddiga doorashada si lamid ah guddigii doorashada 2016-kii uu magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in marar kala duwan uu la kulmay Gudoomiyaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi balse uu ka waayay wax natiijo ah oo dhaxalgal u ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Cabdi Xaashi waa nin diiday in Dalka ay ka dhacdo doorasho qof & Cod ah, waa nin ku sifoobay in uu mucaarad ku noqdo Dowladda Federaalka, waxa uu gabay shaqada Aqalka sare oo aad ogtahay in uusan fadhiyo badan yeelan, dhowrkii sano ee ugu dambeysay qoraalada uu soosaaray waxa ay muujineysaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad ah” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kahor yimid Guddiga doorashada 20/21 ee loo magacaabay Gobollada Waqooyi (Somaliland), waxaana uu ku tilmaamay in xubnaha la magacaabay qaarkood in uusan gareyn, halka shaqsiyaadka qaar ay kamid yihiin Nabadsugidda qaranka & Madaxtooyada.