Mooshin cusub oo ka dhex bilowday Baarlamaanka Puntland

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa dib u bilaabay Mooshin ka dhan Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Wakiillada, kaas oo la doonayo in kuraasta looga xayuubiyo.

Mooshinka oo dhowaan la fashiliyay kaddib markii ay soo faragalisay Xukuumadda Puntland, ayaa abaabulkiisa haatan laga dareemayaa Hoteelada Garoowe, iyadoona si xowli ah uu socdo saxiixa Mooshinkan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha mooshinkan uu yahay in berrito oo Isniin ah la horgeeyo Golaha Wakiillada Puntland, oo kasoo laaban doona 3 berri oo fasax ah oo ay kusoo Akhrianayeen Xeerka Isgaarsiinta Puntland.