Urur Siyaasadeedka Mideeye oo ku dhow inuu 3 Garab u kala jabo

Hala yaabin oo yaysan lama filaan kugu noqon hadaad maqasho Ururkii Mideeye 3-garab,ayuu ukala jabay!!

1.Garabka Asad Diyaano horboodayo.

2.Garabka Cali Xaaji Warsame horboodayo.

3.Garabka Faarax Cali Shire horboodayo.

Garabka Asad”

Garabka Asad waa midka ugu xooga badan waxuuna golaha ka kooban 80-ka Xubnood ee sheegta lahaanshaha Ururka ku leeyahay 50-xubnood.

Xubnahaas Asad isagaa kusoo darsaday Ururka kana bixiyay lacagta 1000$ ah ee diiwaangelinta.

Sidoo kale Asad garabkiisu waxay haystaan Gudoomiyaha Ururka,Ku xigeenka iyo Xoghayaha Guud.

Musharaxa Ururka waxuu Asad uwataa Abshir Cumar Huruuse oo ah ganacsade miisaan leh.

Asad Ururka hada waxuu ka dhigtay meel isagu leeyahay kamana fulaan waxuusan raali ka ahayn.

Garabka Faarax Cali Shire”

Garabka Faarax kuma laha Golaha Mulkiilayaasha dad badan.

Sidoo kale Maamulka Ururka wax saamayn ah oo macno leh kuma laha.

Inta badan hawlaha socda waxuu ula mid yahay Golaha Dhexe ee Ururka oo ay ka buuxaan Dad fara badan oo tirada lagu buuxsado.

Garabka Cali Xaaji”

Garabka Cali Golaha Mulkilayaasha ugu badnaan waxay ku leeyihiin 14-Xubnood.

Golaha Dhexe waxay ku leeyihiin xoogaa taageerayaal ah.

Raga lagu xanto in ay garabkaas ku jiraan ee la yaqaan waxaa ka mid ah..

Cuuke Wasiirkii Caafimaadka ee hore.

Guure Xildhibaan.

Indhoguran Wasiirkii hore ee Ganacsiga.

Ina C.Xaashi Gudoomiyihii hore Baarlamaanka.

Qarjab Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo rag kale.

Garabkan waa kan kula loolama Asad Diyaano Ururka.

Loolanka ka dhex socda Ururka dhexdiisa waxuu ku danbayn doonaa laba arimood midkood…

1.In Ururka Asad u haro oo u awood sheegto siyaasiyiinta kale.

2.In Siyaasiyiinta kale tanaasulaan oo ay aqbalaan saamaynta Asad iskagana jiraan Ururka,iyagoo raaciya ah.

Siyaasiyiinta miisaanka culus ee Ururka ku jira waxay isku arkaan in ay iyagu magaca iyo maqaamka uu yeeshay Mideeye ay sabab uyihiin,isla markaana ay tahsy in Wiilku iyaga ka dhagaysto.

Halka Asad u arko siyaasiyintaad Odoyaal aan hada loo baahnayn laguna soo Awrkacsaday hada waxii ka danbeeyana ay noqdaan raaciyo ama ka huleelaan Ururka.

Jibril Qoobey.