VIDEO: Sidee Tigreegu u soo rideen Diyaaradaha Ciidanka Abiy ?

Ciidamada kala duwan ee Tigreega si weyn,ayay isku difaaceen ilaa iyo hadana guul la sheego maysan gaarin Ciidanka Abiy ee Amxaaradu ku adeeganayso.

Tigreega oo Ciidankoodu kala bar ka badan yihiin Ciidanka guud ee Itoobiya haystana qalabka iyo Hubka ugu badan uguna casrisan ma fududaan doonto in si fudud lagu jiiro.

Abiy iyo isbahaysigiisa Amxaaradu waxay isku qancinayaan in hadii ay weerarka si joogta ah ugu hayaan Tigreega oo ay ka xiraan dhamaan Xuduudaha ay marka ugu danbaysa is dhiibi doonaan oo sahaydu ku yaraan doonto.

Balse Tigreegu laga soo bilaabo 2007 ilaa 2017 waxay si joogta ah ugu daabulayeen Deegaankooda kayd walba oo muhiim ahaa.

Sida la filayo dagaalku waa daba dheeraan doonaa waxaana ku fashilmi doona Abiy oo ugu danbayn isagoo jabay danbiyo dagaalna galay ka carari doona Adis-ababa.

Jibril Qoobey.