Xayiraadii Muslimiinta ka saarneed Muslimiinta oo soo dhamaatay

Xayiraadii Mareykanka ee ‘Muslimiinta’ ayaa lagu wadaa inay dhammaato ‘maalinta koowaad’ ee Biden.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xiligaasii olalaha balan qaaday inuu si deg deg ah u joojinayo xayiraadaha safarka ee maamulka Trump ku soo rogay in ka badan toban dal.

Maalintii ugu horreysay ee madaxweynenimadiisa, madaxweynaha la doortay Joe Biden wuxuu damacsan yahay inuu ka laabto xayiraadaha socdaalka ee Donald Trump ee saaran socotada ka kala socota 13 dal, oo u badan waddamada muslimka ah ama kuwa Afrika.

Waxyar kadib markii uu xafiiska lawareegay 2017, Trump wuxuu soo saaray amar fulin ah oo ka mamnuucaya dadka socotada ah ee kasoo jeeda toddobo dal oo Muslimiin u badan inay soo galaan Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa amarka dib u cusbooneysiiyay dhowr jeer iyada oo ay jiraan caqabado xagga sharciga ah isla markaana Maxkamadda Sare ay taageertay nuqul ka mid ah 2018,dalalka lagu soo rogay xayiraadaha soo gelitaanka ayaa is beddelay sannadihii la soo dhaafay.

Xayiraadaha ayaa si fudud looga bixi karaa maadaama lagu soo saaray amarka fulinta iyo ku dhawaaqida madaxweynaha, sida ay qabaan khubarada siyaasada, laakiin dacwadaha ka imanaya muxaafidka ayaa dib u dhigi kara howsha.

Bishii Oktoobar, Biden wuxuu kaloo ballan-qaaday inuu ku riixayo siyaasiyiinta sharciyo lagula dagaallamayo tirada sii kordheysa ee dambiyada nacaybka ee Mareykanka.

Trump ayaa ku soo rogay xayiraadaha socdaalka – oo inta badan ay ku tilmaamaan “mamnuucida muslimiinta” – iyada oo loo marayo amarro isdaba joog ah oo lagu kala saarayo Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen, taasoo dhalisay dhaliil ah in ay u dhigantay takoor sharci darro ah oo diimeed.