Akhriso: 3 Qodob oo saldhig u ah Mooshinka ay wadaan Baarlamaanka Puntland

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ku Howlan saxiixa mooshin ka dhan ah Guddoomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Wakiilladd, iyagoo doonaya in meesha laga saaro Labada Guddoomiye ku-xigeen, looguna bedelo Guddoomiye ku-xigeeno cusub.

Mooshinka oo soo bilowday kahor furitaankii Kalfadhigga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (25-Oct-2020), ayna Abaabulkiisa lee yihiin Xildhibaanada kasoo kala jeeda Gobalada Bari iyo Sool, ayaa salka ku haya 3 Ujeedo, oo kala ah;

1: Xildhibaanada kasoo kala jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Cali Saleebaan (Sool & Bari), ayaa doonaya in meesha laga saaro Labada Guddoomiye ku-xigeen, si aysan saameyn ugu yeelan xubnaha noqonaya Senatorada Golaha Aqalka Sare BJFS ee kasoo jeeda Gobaladooda oo Baarlamaanka Puntland dooranayo, si gaar ah Beesha Cali Saleebaan-Majeerteen oo xubno badan ku leh GWDPL ayaa ku andacoonaya in Beesha Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladd Puntland (Ismaaciil Saleebaan) ay doonayso inay hesho Senator, gaar ahaan Kursiga uu fadhiyo Maxamuud Mashruuc oo ah mid ka dhexeeya Beelo badan, balse ay doonayso Beesha Cali Saleebaan inaan loogu imaan.

2: Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa doonaya inay helaan dhaqaale, maadama ay ka cabanayaan in la soo xiray Lacagihii dhacdhaca ahaa ee ay heli jireen, kaddib markii la kordhiyay Mushaarkooda oo horey u ahaa $1500 oo dollar, balse hada laga dhigay $3000 oo dollar.

3: Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa doonaya in la tuuro Xukuumadda Madaxweyne Deni, hadii uu Madaxweynuhu ka jawaabi waayo Shucuurta Shacabka Puntland iyo dalabyadooda ku aadan inuu isku-shaandeyn ku sameeyo Golaha Wasiirada, si loo helo Xubno ka tayo badan, Sidoo kalena loo saxo Awood qeybsiga Beelaha Puntland. Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Dhulbahante ayaana ku doodaya in aysan midna heysan 4 ee ugu muhiimsan Puntland (Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Qorsheynta).

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shabakadda Idil News- – Garoowe